Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Faafaahin Ka Bixiyey Safaradii Uu Ku Tagey Dalalka Deriska (Sawiro)

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in dalalka deriska uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, isla markaana loo midoobo dagaalka lagu qaadayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxii dhawaan ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 ruux ay muujineyso sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aan Al-Shabaab loogu dulqaadan doonin gumaadka ay shacabka ku heyso, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE