Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wado In Uu Gaaro Dalkii Afaraad Oo Ciidamo Ay Ka Joogaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro maagaalada Bujumbura ee dalka Burundi, waxaana uu noqon doonaa dalkii afaraad oo uu safar ku tago.

Isagoo ka kici timi doona Jamhuuriyadda Jabuuti ayuu u safri doonaa Burundi, waxaana halkaas uu u gaari doonaa sidii madaxda dalkaasi uu ugala hadli lahaa la dagaalnaka iyo cirib tirka maleeshiyada argagaxisada ah ee Shabaab.

Waxa lagu wadaa in kulamo uu lasoo qaato Madaxweynaha Burundi iyo Taliyaha ugu sareeya Ciidamada, si dalka Burundi qeyb lixaad leh uga qaataan dagaalka la doonayo in lagu qaado maleeshiyada Al shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safaro ku maraayo wadamada Gobolka, isagoo safarkiisa ugu horeeya ku tagey dalka Uganda, ayaa waxa la filayaa in uu kusoo gabagabeeyo dalka Kenya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE