Madaxweynaha Soomaaliya Oo Soo Gabagabeeyey Safarkii Uu Ku Maraayey Gobolka Kana Warbixiyey Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaralka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safaro ku maraayey dalal ku yaala Gobolka ayaa dib ugu soo laabtey dalka.
Safarka Madaxweynaha oo uu ku tagey ilaa seddax wadan oo kala ah Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa maanta markii uu soogaarey Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho sheegey in guulo wax ku ool ah uu ka soo gaarey safarkiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegey in dalalka Gobolka marnaba aanay aqbaleyn gumaadka Shabaab ee ay ku haayaan Shacabka, isagoo meesha ka saarey in la sugo weeraro kale oo Shabaab ay ka geystaan goobaha Shacabka.
Dhainaca kale waxa uu tilmaamey in si wada jir duulaanno loogu qaadi doono maleeshiyada Shabaab oo dhibaato aan lasoo koobi karin ku haaya Shacabka, iyadoo dalalka uu booqdey ay isla meel dhigeen duulaanka Shabaab.
Waxaa uu booqashadiisa Axaddii la soo dhaafay ka billaabay Dalka Uganda isaga oo la kulmay dhiggiisa Uganda,sidoo kale waxaa uu booqday Dalka Itoobiya isaga oo booqashadiisa saddexda cisho ahayd ku soo gaba gabeeyay Dalka Jabuuti oo uu maanta ka soo baxay.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE