Maleeshiyada Alshabaab Oo Lagala Wareegay Deegaano Ku Yaalla Gobolka Bakool

Wararka ka Imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gobolka Bakool ee Galbeedka Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka Bakool ahna ku Simaha Guddoomiyaha C/laahi Maxmed Nuur Xuseen oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in Dagaal xooggan oo saf balaaran ah ay qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kaga saareen Maleeshiyada Al shabaab deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isagoo xusay in Jab xoogan la gaarsiiyay Argagaxisada.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka wuxuu sheegay in hada ay degan tahay xaalada deegaanada ay la wareegeen Ciidamada Xooga dalka, dadka shacabka ay si weyn u soo dhaweeyeen.

C/laahi Maxmed Nuur Xuseen ku simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jooga Bokool in kooxda Al-shabaab laga saaro Gobolka oo dhan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE