Taliska AMISOM Oo War Kasoo Saarey Weerarkii Maanta Ka Dhacey Duleedka Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saarey weerar dhaba gal ah oo maanta ka dhacey duleedka magaalada Muqdisho.

Afahayeenka Ciidamada Wilson rono ayaa xaqiijiyey kolonyo mareysey wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ay la kulmeen dagaal toos ah iyo qaraxyo la aaminsanyahay in ay ka dambeeyeen Alshabaab.

Waxa uu intaa raaciyey in Ciidankooda ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaadey, mana xaqiijin khasaaraha ka dhashey, dagalka dhex marey Shabaab iyo Ciidamada jidka loo galay.

Afahayeenka  ayaa sidoo kale ka hadlin khasaare dad shacab ah kasoo gaarey weerarka, iyo rasaas nool nool oo Ciidamada Midowga Afrika ay ku rideen dad Shacab ah oo khasaare geysatey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE