Ciidamo Ka Socda Dalka Turkiga Oo Laga Soo Dejiyey Magaalada Muqdisho, Xilli Loo Baqey Amaanka Saldhigga…

Ciidamadan laga soo dejiyey magaalada Muqdisho ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo amaanka Saldhiga dowladda Turkiga ay ka dhistey magaalada Muqdisho halkaas oo tawabar Ciidan ay ku qaadanayaal askar Soomaaliyeed oo gaareysa ilaa 1,500 askari.

Saldhigga gudihiisa ayaa waxa lagu dhex arkayaa dabaabaad ay leeyihiin Ciidamada Turkiga iyo gaadiidka Gaashaaman, waxaana tani ay ka dhigantahay in looga hor tagaayo weeraro argagaxiso oo lagu soo qaado Saldhiga.

Xerada gudaheeda ayaa waxa amaankeeda la wareegay Ciidamada Cusub ee dhawaan la keenay, waxaana heegan ku jira dhamaan Ciidamada Xerada ku sugan, iyadoo laga baqdin qabo weerar xerada ay la kulanto.

Arintan ayaa ka dambeysey ka dib markii laga war helay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacey isgoyska Zoobe loola dan lahaa in lagu weeraro Xerada Jaziira oo Turkiga uu leeyahay.

Illo Sirdoon ayaa xaqiijiyey in weerarkii Zoobe uu u dhacey si aan ku talagala aheyn, hase ahaatee la doonayey in lagu weeraro Saldhigga Turkiga, ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkig ayaa saldhig weyn ka dhistey magaalada Muqdisho, waxaana saldhigga uu ka koobanyahay qeybo kala duwan, waxaana halkaas lagu tawabaraa Ciidan Soomalaiyeed oo gaaraya ilaa 1,500 askari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE