Codeynta Doorashada Ku Celiska Ah Ee Dalka Kenya Oo Maanta Ka Bilaabatey (Sawiro)

Waxaa saaka oo Khamiis ah saacadu markay ahayd 6-dii subaxnimo bilaabatay codbixinta doorashada Madaxweynaha ee kuceliska ah.

Caasimada Nairobi ayey si caadi ah uga socotaa codbixinta, walow ay jiraan banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay deegaanka Kibera oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha isbaheysiga mucaaridka NASA.

Raila Odinga hogaamiyaha mucaaridka ayaa qaadacay inuu ka qeyb galo doorashadan kuceliska ah kadib markii loo fulin waayey shuruudo uu ku xiray qaabka ay u dhaceyso codbixinta. Wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay inaysan codkooda dhiibin, mucaaridka ayaa horey ugu goodiyey inay maanta dhigi doonaan banaanbaxyo aan horey loo arag.

Magaalada Kisumu oo ah goob uu taageero badan ku heysto Odinga ayaa waxaan illaa iyo hada la arag dad badan oo codkooda dhiibanaya, waxayna u muuqataa in taageerayaasha Nasa ay qaateen taladii hogaamiyahooda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga si weyn loo adkeeyey, wuxuuna uga digay mucaaridka inay wax fowdo ah sameeyaan, Uhuru ayaa horey ugu guuleystay codbixintii la qaaday 8-dii bishii Agoosto isagoo xiligaasi helay 54% cododka, walow natiijadaasi ay laalshay maxkamada sare.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE