Dagaal U Dhaxeeya Maleeshiyaad Kala Taabacsan Puntland Iyo Galmudug Oo Saake Ka Socda Bariga Gobolka Mudug

Dagaal Xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka socda bariga gobalka Mudug, gaar ahaana halka lagu magacaabo Cali-waal, sida ay xaqiijiyeen dad sheegay iney maqlayaan hubka culus ee labada dhinac ay isu adeegsanayaan.

“Dagaalka Bariga Galkacyo (Cali -waal ) ka socda dhiig iyo dhaqanba waa baabi’inayaaye Ilaahay ha naga qaboojiyo, dhinacyada ku diriraya degaankaas xabbaddu xal maaha, ha la joojiya, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland hawl nabadeed arrinkaas ka gala. “ ayuu yiri mid kamid ah madaxda dhaqanka oo ka hadlay.

Waxa horey u fashilmay isku dayo lagu doonayey in nxal looga gaaro arimaha nabadda ee Gobolka Mudug, mana jiraan xilligaan isku dayo ay wadaan labada dhinac.

Colaadda Gobolka Mudug oo muddo soo jiitameysey ayaa u muuqata mid indhaha ay ka fiirsanayaan dhaqanka iyo siyaasiyiinta kale, maadaama xalka Colaadda nuu adkaadey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE