Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Dib U Howlgeliyey Boondada Degmada Qoryooley Oo Bartmaihii Sanandkii Hore Ay Burburiyeen Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab (Sawiro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ayaa safar shaqo ah ku jooga Degmada Qoryooley ayaa dib u howl geliyey Buundada Degmada oo bartmaihii sanadkii aan soo dhaafney ay burburyiyeen Maleeshiyada Alshabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Ibraahim Najax, qaar ka mid ah ku xigeenadiisa, iyo Maamulka Degmada Qoryooley ayaa ka qeyb qaatey dib u howlgelinta Buudada oo marin muhiim ah u aheyd shacab iyo gaadiidka dad weynaha.

Ibraahin Najax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay in ay ku rajo weyniyiihin sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa Buundooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka kuwaas oo si xaasidnimo leh ay ku jirto u burburiyey Alshabaab oo dhib ku qabta nolosha bulshada.

Alshabaab ayaa bartamihii sanadkii hore Buundada Degmada Qoryooley ku burburiyey qarax ay kusoo xireen Gaari Dibi oo markii baratamaha Buundada uu maraayey ku qarxiyey, waxaana in muda ah hakad ku jirey isu socodka dadka iyo gaadiidka ee buunadada isaga kala gooshi jirey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE