Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo Lagu Soo Dhaweeyey Xafiiska Dhigiisa Dalka Turkiga (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Turkey Bin Ali Yeldrim oo ku qaabilay xafiiskiisa, waxayna ka wada hadaleen arrimaha Amniga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

R/wasaare Khayre oo Jeediyey Khudbad Qiimo badan, Wuxuuna uga mahad celiyay Dawladda Turkiga sida ay mar walba inoo barbar istaageen, Wuxuuna ka waramay Xaaladihii adkaa ee Turkigu Soomaaliya uu garab qabtay.

Raiisul wasaaraha Turkey waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Turkey ay yihiin walaalo, Turkigana ay waajib ku tahay inuu barbar istaago Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay gurmadkii ay u soo direen Soomaaliya, kaddib qaraxii Zoobe, waxaana uu xusay in Turkiga uu yahay saaxib iyo walaal mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE