Taliyaha Boliiska Gobolka Baay Oo Si Awood Leh Kula Wareegay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Koonfur galbeed

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Taliyaha Boliiska Gobolka Baay Ninka lagu magacaabo Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu la wareegay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur galbeed.

Taliyaha oo wata Ciidamo badan ayaa la sheegey in uu si xoog ah uu ku galey Xafiiska, islamarkaana uu kala direy dhamaan shaqaalaha Maxkamada oo uu ku amrey in ay imaan Karin shaqada ilaa amar dambe.

Dhinaca kale waxa xafiiska uu kala wareegey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Sheekh Fanax oo uu ka saarey Fafiiska, waxa uu ku amrey sida la sheegay in aanu imaan Karin Xafiiska maxkamada.

Lama oga tallaabadan uu qaadey Taliyaha Boliiska Gobolka Baay, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha uu amar madaxweyne uu kula wareegay Xafsiika Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamul Goboleedka Koonfur galbeed.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanu garaneyn sababta ka dambeysa tallaabadan uu qaadey Taliyaha Boliiska oo albaabada u laabey Maxkamada iyo cidda amarkaasi siisey.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa inta badan dhaqankiisa uu yahay dhaqamadii hogaamiye kooxeedyada, mana jiro nidaam iyo mas’uul looga dambeeyo sharciga, waxaana madaxweyne ka ah Shariif Xasan oo inta badan lagu eedeeyo mid ku tunta awooda Maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE