Cadawgii Soomaaliyeed Oo Ka Naxay Sadex Is Raacday Oo Mid Ah W/Q Yuusuf Omar

Dalka soomaaliya waxa uu ka soo kabanaya burburkii iyo dhibaatadii ay ku reebeen dagaaladii sokeeye iyo dawlad la aantu.ilaahay mahadii waxaan soo kufaa kacnaba maanta waxaan leenahay dawlad fadaraal ah oo leh dawlad goboleedyo leh madaxwayne leh raysal wasaare iyo gole wasiiro leh laba aqal midka sare iyo golaha shacabka. waa illaahay mahadiis. Dawladeenu waxay la dagaalantay musuqmaasuqii ina sii curyaamiyay oo hada waxaa muuqda dawlad wanaag iyo hufnaan maamul oo loo bogay.

Maanta ciidan baa inoo dhisan,waxaa ciidamadeenii dibadaha loo qaadi jiray hada lagu tababarayaa xeryo ku yaal dhulkeena iyo caasimadeena MOGDISHO. waa guul iyo faraxad iyo hormar.waxaa inaga hada dhib inagu haya oo dawlad nimadeena iyo jiritaankeena diidan waa shabaab iyo shaydaamo waa ibliis iyo ehelu naaro. waa dayuus iyo dawlad diid.

Heer waxay gaareen ayba boqaal boqolaal inoo laayaan oo inoo xasuuqaan oo ina dabar jaraan cadawgaasi.maxaaba laga hadlaa dal iyo dawlad dadkiiba la dhameeye? dhanka kale waxaa maanta guul inoo ah sadex mugdi shaydaan kala gashay oo maanta gacmaha is qabsatay oo mid ah kuwas oo  ku midoobay danta dalka diinta iyo dadka waa kuwee kuwaasi?

1.DAWLADA DHEXE EE FADARAALKA

2.DAWLAD GOBOLEED YADA KA MID KA AH FADARAALKA

3.SHACABKA SOOMAALIYEED GUUD AHAANTII

Maanta dawladeenii dhexe oo ah hogaanka u sareeya dalkeena iyo garbihii ay ku duulaysay oo ah dawlad goboleedyada iyo shacabkii labadoodada xanbaarsanaa oo xooga u ahaa ayaa is qabsaday garbaha oo dantii umada soomaaliyeed gartay.Maanta waxaa la arkay yeey sumaysan oo dad iyo duunyaba xaaqaysa oo aan bad baadinaynin nafkastoo dhaqaaqda oo soomaaliyeed!! waxaa la arkay cadawad fog iyo isirka soomaaliyeed oo la doonayo in la tirtiro kadibna dalka la dhaxlo oo shisheeye qaato dalkeena afka inoo soo duubtay.

Kolmaanta hadii ay sadexdaani is raacday cid hor istaagi kartaa majirto,xoog waa haynaa,aqoon waa haynaa,lacag waa haynaa,waa jiraynaa soomaaliyana dawlad nimadeedu waa hirgashay cadawgeediina waa jabay.waxaynu nahay isku diin,waxaynu nahay isku diir,waxaynu nahay isku dad,hal afbaan leenahay,hal dal baan leenahay,hal madax wayne ayaan leenahay,hal caasimad ayaan leenahay,nalama qabsan karo dhulkayagana lama dhaxli karo cadawgu ha ogaado taas. waxaanu nahay DAWLAD DOON waxaanu nahay SOOMAALI ma nihin qabiil isku mid baa nahay. waxaa nagu filan yaa tahay? SOOMAALI diintaaduna waa maxay? ISLAAM  oo maxaa tahay? MUSLIM SUNI AH.intaas ayaa nagu filan.

Waxaan rabnaa DAWLAD NIMO waxaan rabnaa nabad iyo nolol waxaan rabnaa soomaaliya oo xoogleh aqoon leh dhaqaalo leh oo hal ah.in caruurta soomaaliyeed magacyo loo kala bix bixiyo oo nala kala qaybiyo oo nala adoon sado yeeli mayno.gumadka dad kayaga oo danbe yeeli mayno. dawladiid dooni mayno, gafuur duub dooni mayno, habarti dili dooni mayno, ehlu naar dooni mayno, xaaran quute dooni mayno, dalka iibsade dooni mayno,cigaaleey uus buuran dooni mayno, Turki walaalkeen diidi mayno, dawladeena diidimayno, danta guud diidi mayno, dafaaca dalka diidi mayno,istaa kulaynta diidi mayno.khaadin carbeed dooni mayno,khiyaamo qaran dooni mayno,diin laawe doonimayno, dumar haleeye dooni mayno maato dooxe dooni mayno,ibliis walaalkii dooni mayno,shaydaan adoogiis dooni mayno,dalka beeciye dooni mayno,dhuuni qaate dooni mayno baladkoo dhan madaxwaynayaal dooni mayno,anaa mudan dooni mayno,aniga aniga aniga dooni mayno,xaw xawle xayihiin,xawyahay, xeeytahay dooni mayno,looma dhama dooni mayno, gooni isu taag dooni mayno,cawo iyo maalin  citiraaf buufis dooni mayno,fadaraal ku diin garoowe wan iyo tuu ku wardiye dooni mayno,dalkeeno mida diidimayno,fadaraal na sima diidi mayno,dastuur naga dhexeeya diidimayno,cadaalad iyo sinaan diidi mayno,kala go ka bood midnimo kumintid diidi mayno,xaqa walaalkaa ilaali diidimayno soomaali waa hal diidimayno.

Alxamdu lillaah ilaahoow adaa dadkii soomaaliyeed mideeyay oo garan siiay dantooda oo tusay cadawgooda oo ay maanta hal meel uuga soo wada jeedaan.Alxamdu lillaah ilaahoow waa mahadaa ilaahoow waa mahadaa ilaahoow waa mahadaa waa xoroownay.

W/Q Yuusuf Omar

 Mashruuc5@Hotmail.Com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE