Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Oo Booqdey Dadkii Ku Dhaawacmey Qaraxii Zoobe Ee Ku Jira Isbitaalada Ku Yaalla Turkiga (Sawiro)

Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Turkiga ayaa booqdey dadkii ku dhaawacmey qaraxii Zoobe ee ku jira Isbitaalada ku yaalla Turkiga.

Dadka dhaawaca ah ee gaaraya ila 35 ruux oo seddax ka mid ah ay ahaayeen dad da’ yar oo lagu dabiibayo magaalada Ankara ayaa Ra’iisalwasaaraha u kuur galey xaaladdooda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u dul istaagey dhaawacyada, qofka hadli kara ayuu weydiinaayey xaaladda uu ku suganyahay, halka kuwa kale ee weli taahaya uu ka wareysanaayey Ehelada la socota iyo dhakhaatiirta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE