Deg Deg Ah Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Oo La Xaqiijiyey In Uu U Geeriyoodey Dhaawac Kasoo Gaarey Weerarkii Naasa Hablood

Warar hada soo dhacey ayaa sheegaya in Wasiirkii Wasaaradda Arimaha gudaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya uu u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey weerarkii lagu qaadey Hotel Naasa hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Madoobe Nuunow oo ka mid ah siyaasiyiin degen Hotelka ayaa saacadihii dambe ee qaraxa ka dib laga soo badbaadiyey sida warbixin horey usoo baxdey lagu helay isaga oo dhaawac ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijiyey dhimashada Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur galbeed Madoobe Nuunow oo la aaminsanyahay in dhaawac halis ah uu soo gaarey.

Weerarka Hotel Naasa hablood oo intiisa badan ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyaad Alshabaab ah ayaa waxa ku geeriyoodey mas’uuliyiin dhowr oo qaarkood xilal haayey halka ay ku jiraan kuwo horey xilal usoo qabtey.

Weli waxa socda howlgalka lagu soo afjaraayo weerarka bahalnimada ah ee Maleeshiyada Alshabaab ay ku qaadeen hotelka, oo ay degenaayeen mas’uuliyiin kala duwaqn qurba joog iyo dad kaloo shacab ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE