Deg Deg Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose Ee Koonfur galbeed Oo Ku Dhaawacmey Hotel Naasa Hablood (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay weerarkii hotel Naasa hablood 2 ee galabta ay qaadeen maleeshiyada Alshabaab.

Madoobe Nuunow ayaa ka mid ahaa rag siyaasiyiin ah oo ku sugnaa markii ay wax dhacaayeen hotelka, waxaana jira dhaawac aan la sheegi karin inta uu la egyahay.

Dhinaca kale dagaal xoogaan ayaa waxa uu ka socdaa gudaha hotelka oo la aaminsanyahay in qeybaha sare ay haaystaan maleeshiyaad hubeysan oo dagaal uu dhex maraayo Ciidamada dowladda ee goobta gaarey.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegey in  kooxaha hubeysan ay adeegsanayaan bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ah oo ka mid ah hubka ay adeegsanayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE