Maleeshiyaad Hubeysan Oo Ka Dhex Dagaalamaya Gudaha Hotel Naasa Hablood 2 Iyo Xildhibaan La Xaqiijiyey In Weerarka Uu Ku Geeriyoodey

Warar kala duwan ayaa kasoo kordhaya saacadba saacadda ugu dambeysa weerarka balahanimada ah ee alagu qaadey Hotel Naasa hablood 2 oo ka mid ah hoteelada ugu caansan ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la xaqiijiyey in ay ka dagaalamayaan dabaqa sare ee Hotelka, waxaana halkaas ay ka ridayaal rasaas nool oo ay u adeegsanayaan dadka degen dhismayaasha qaar ee hotelka.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashey weerarkan oo galabta ay qaadeen maleeshiyada Kooxda Shabaab, dadka halkaas wax ku noqdey ayaa waxa ku jira rag siyaasiyiin caan ah oo la yaqaano.

Dadka aan helnay magacyadooda ayaa waxa ka mid ah Xildhibaan hore Ex Xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane iyo Taliyihii Boliiska saldhiga Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax, waxa laga yaabaa in ay weli kjiraan dad kale oo goobta wax ku noqdey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE