Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Fedaraalka Oo Maanta Baaqdey

Shir maanta muqdisho uga bilaaban lahaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa la soo sheegay inuu baaqday, islamarkaana uu furmi maalinta beri.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid “Juxa” oo Shir’jaraa’id ku  Magaalada Muqdisho waxaa uu  sheegay in uu dib u dhacay Shirkii maanta lagu waday in uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana uu sababta ku sheegay in qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ka qaybgali lahaa shirka ay maanta soo gaari  weeyeen Muqdisho.

Saaka waxaa magaaladda Muqdisho gaaray wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xeef,  waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Federaalka, xildhibaano iyo taageerayaal tiro badan.

Saacadihii dambe ee maanta ayaa magaalada Muqdisho waxa gaarey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay qeyb uga noqdaan shirka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE