Sida Illaahay U Siiyay Nabiyullaahi Yusuf Aqoon Halkuu Ka Shabahaa Dr Cabduraxmaan Bayle? W/Q Yuusuf Omar

Adoomada illaahay abuuray isagaa siiya qaar kamid ah nabinimada,cilmiga,dhaqaalaha,madaxtinimada iyo boqornimada,quruxda,iyo in kaloo badanba.Ninkuu doono oo adoomadiisa ah ayuu cizeeyaa oo kor u qaadaa illaahay.Cilmiga iyo xikmada illaahay baa baxsha ciduu doono ayuu siiyaa.Nabiyullaahi yusuf caleeyhi salaam waxaa lasiiyay cilmi iyo fasirka riyooyinka si gaara.waxa uu ahaa raysalwasaarihii xiligiisii boqor xukumaayay masar uu ka dhigay bi qudrati llaah markuu uu fasaray riyo kamid ah riyooyinka oo boqorku ku riyooday.Wariirkii wasiirada markii laga dhigay waxa uu layimid qorshe dhaqaale oo anfacay masar oo dhan isagoo dajiyay nidaam iyo aqoon miisanayadeed oo lagu liibaanay.Waxa uu ahaa adoon illaahay siiyay aqoon taas.waxa uuna masar gaarsiiyay isku filaasho dhaqaale isagoo xiligii barwaaqada kayd fiican u sameeyay oo lagu samato baxay xiligii abaarta iyo jilaalka.

Cilmi illaahay in laga baryaa waa waajib waana haboontahay laakiin cilmi uun maha ka eebe la waydiisanayo ee waa in layiraahdaa illaahoow isii cilmi naafic ah.Markaan soo qaadanayo Nabi yusuf caleeyhi salaamay waxaan u jeedaa marka laga sheekaynayo wanaag iyo wax illaahay hibo usiiyay qof hada inala nool oo aynu garanayno in aynu tusaale uuga dhigno adoomadii suusuubanaa ee alle yaqaanada ahaa ee toosnaa kudayashadana mudnaa oo ay uugu horeeyaan nabiyada iyo axsaabtoodii wan wanaagsanaa iyo kuwii soo gaaray intaba.wax kasta oo khayra oo qof muslim ahi layimaado waxaan la xariirinaynaa adoomadii wan wanaagsanaa ee ka horeeyay.macnuhuna maha in aan isku dheerarinayno oo la tartamayno ee waa ka danbayn iyo xurmo iyo jacayl aan u hayno iyo wayneyn.
Dr Abdirahman ducaale bayle waa aqoon yahan dhaqaal yahan ah,waa nin meel banaan oo garigo an cidla ah ka dhigi kara cagaar iyo barwaaqo cid walbaa ku soo hirato oo lagu xoon san ayahay.Dr bayle sadex illaahay siiyay oo isagu daray waa maanshaa allaah illaahay ha usii siyaadiyo inana soomaaliyeey nasiib ayaan leenahay waayo inaguu inaga dhashay uma dhalan dal qalaad marka warkoo kaboon ayaa ah eeboow waa mahadaa.
1.Dr bayle waa nin leh aqoon qodo dheer iyo fahan fog waana hibo illahaay siiyay manshaa allaah.
2.Waa nin alle yaqaan ah oo diintiisa iyo caqiidadiisu toosan tahay oo ah AMIIN.
3.Waa wadani barax tiran oo ah halgamaa guntiga dhiisha isaga dhigay in uu dalkiisa ka saaro faqriga oo ku mayriciyo doollar iyo dahab.waxaa u raaca waa nin jecel soomaalinimada iyo dadkiisa.
Sifahaas waxaa leh Dr bayle wasiirkeena maaliyada.mudadiiyarayd ee uu hada inoo shaqaynaayay bal eega oo ufiirsada heerka uu durba inagaarsiiyay.waaba sida nooc riyo oo kale ah! kolayba isma aana lahayn dalkeena waxaa wali ku haray Dr bayle oo kale oo sugay sidii dunida horumartay in qofkastaaba mushaharadiisa helo oo waliba account bank system loogu shubayo!! isla markaana shaqaale kasta la hubinayo shaqada xiliga uu soo galay iyo xiliga uu ka baxay si mushaharkiisuna ugu xalaalooba qofkaas.wax kalaba daayoo xataa wadamada khaliijka ee sucuudigu uugu horeeyo iyo emaraadku ayaan sidan lahayn.Waxaad arkaysaa qof ku leh 6 bilood ama sanad kabadan ma helin wax mushahar ah hadaan dacwoodana waaba lay taraxiilayaa!!. day siday aadamaha ula dhaqmayaan badawnimadooda.
Dr bayle aqoon tiisa dhaqaal yahan ee durugsan asagoo adeegsanaya waxa uu qarka usaaran yahay halganka dheer ee uu ugu jiro in soomaaliya uu kasaaro horta damaynka lagu leeyahay oo bilyaniska ah.si uu taa ku gaarana ileen daynta naga cafiya iyo waan ku cafiyay meesha ma taalee,xujooyinkii iyo shuruudihii layska rabay oo dhan ayuu garanayaa oo badan kooda soo buuxiyay tanoo guul inoo ah iyo hormar hadaynu nahay soomaali.Dadka soomaalida ee hada jooga ee garashadoodu tahay kaasi waa reer hebal iyo maxaan dhacaa in badani ma garanayaan dr bayle qiimihiisa laakiin soomaaliya iyo aduun waynahaba baal dahab ah ayuu ka galayaa hadna kaga jiraaba nin ragina waa og yahay doqona waa moogtahay.
Dr bayle waxaan hubaa in uu dalkeena ka dhigayo mid qofkastoo soomaali ahi helo shaqo iyo mushahar ku filan.hadii hada aynu warkiisa iyo taladiisa ku garab istaagno oo u dhaga nuglaano amarkiisa oo daacad ula shaqayno soomaaliyeeey waxaa hubaal ah in aduunka daafihiisa soomaaliya looga soo shaqa doonan doono oo fiisadeenu noqon doonto mid macduun ah oo qaali ah oo aan sahal lagu heli karayn.waxaan hubaa in dadka soomaaliyeed calaa qof uu ka dhigayo mid leh guri,gaari,shaqo fiican,wax barasho bilaash ah,iyo boqolaal kun oo accounkiisa ugu jirta helayo. waayo dadkeenu ma badna,dhaqaalana waa helaynaa dr bayle daacad buu inoogu qaybin cidkastaa dhargaysa waayo shaqadan hibo ayuu u leeyahay waana nasiib in dr bayle inoo dhashay.
Waxaan soomaaliyeey walaalayaal faqriga lanahay waa talo xumo,jahli daacad daro iyo waxeenii inaga dhexeeyay oo lagu tagri falay oo tuugo yari uun waligeedba jeebka gashato. waligeenba dr bayle kahor yaa inoo sheegay soomaaliyeey baankeena lacag intaas ah ayaan haysanaa oo inoogu jirta? intaas ayaa baxday oo sifahaas ayay ku baxday yaa ina yiri cimri abidkeed? dr bayle shirkado maraykan ah ayaa raba inay qaataan oo codsaday oo boqolaal kun oo dollar noogu shaqee leh,kuwo sucuudigaa codsaday intaba wuu diiday isagoo ka door biday in uu dalkiisa ka qaado halka uu yaalo maanta oo ka dhigo wadamada aduunka uugu qanisan aqoonteedii iyo farsamadeediina wuu hayaa dr bayle xafidu llahaah.
Dr bayle kahor maynaan helin aqoon yahan dhaqaal yahan ah oo inoo fikira inagana saara faqriga maadaama dalkeenu uu san ahayn dal faqri ah oo kaliya ay ina dishay musuq maasuq iyo aamin daro iyo in aynaan hoos u eegaynba dalkeenan hodanka ah.Waxaa kaloo soomaliyeey ina dilaysa mashaqyste nimo waana ceeb qof subixii kalihi wayay oo irsiqiisa la soo bixiwaayay waa ceeb aduunka.shaxaadku waa dawarsi iyo tuugsi mana haboono aadame adoo kale ah in aad barido ama ha ahaado walaalkaa kula dhashay ama ha ahaado abtigaa iyo adeerkaa.warka mashaqaystaha waxaa ka mid ah tuugsi doonka ah, xagee laga shaqaysan? wadankan shaqo malaha? runtu waxaa weeye ninkii shaqo rabaa waa helayaa.
Waxaa inoo kacay dr bayle wasiirkeena maaliyada oo ah nin siwayn u yaqaan shaqadiisa oo dalkeena oo dhan badalaya wajigiisa foosha xun ee maanta oo ku badlaya dal aad u quruxbadan oo safka hore ah,hadaba mid aynu wada fahano oo isla qaadano soomaaliyeey oo ah aan ku shaqayno tilmaanta iyo taladiisa aqoon yahankeena.aan garab u noqono iyo gaashaan si dalkeenu u hormaro dadkeenuna u noolaadaan taasoo hubaala in lagaarayo hadaan dhagaysano oo aqbalo oo daba socono dr bayle.
Dr bayle lacag cusub ayuu inoo samaynayaa oo leh qiimosugan, isbadal aan la arag oon lamaqal abid ayuu ka dhigayaa soomaaliya waa nin mufakar ah oo karti badan qorshaynta dhaqaalana iyo miisaaniyad dajintana aad ugu sareeya wixiisu waaba waxaan laga sheekayn karin oo yaableh xafidullaahu dr bayle soomaaliyeey marlabaad waa nasiib badanahay laakiin aan ka faa iidaysano dr bayle.waayo waa nin dal eber ah istaajinkara oo buuxin kara waa nin abaar kaarari kara oo dhuldoog iyo biyo leh ku dajinkaraya weeye. waligeedba nin baa dal u kaca waxna ka badala markay dadkiisu fahmaan oo garab galaan.
Waxaa ii muuqda soomaaliyeey in maanta rag inoo kacay,dr bayle iyo madaxwayne farmaajo iyo raysalwasaare khayre waa wadaniyiin jecel in ay hormariyaan dalkeena aan la shaqayno.soomaaliya cadaw badan ayay leedahay aan fahano taas.cadawgu ma doonayo soomaaliya oo ka baxda faqriga iyo gaajada iyo dawlad la aanta.dhulkeena in la dhaxlaa la qorshaystay soconse mayso ragbaa inoo kacay.iska jir ha il fuufin cadawga uugu wayn ee ina hortaagan waa dad yar oo soomali ah oo leh qabiil walba.waxay rabaan in dawlad walba oo inoo dhalta ka hor yimaadaan oo burburiyaan!! waxay rabaan in aan faqri ahaano waligeen. waa cadaw bal amuuraha illaahay hadana iyagu waa soomaali.waa inaan iska celinaa dadkeena cadawga inagu ah nolasheena oo ka xun shisheeyaha.
Dr bayle in dalkeena uu gaarsiin hormar wayn oo qani ka dhigayo shaki iigama jiro waxaana illaahay uuga baryayaa in uu cimrigiisa u barakeeyo u dheereeyo reerkiisa iyo qaraabadiisana illaahay u barakeeyo nolo wanaagsan oo dunida ah iyo aakhiro janadii fardawsal aclaa illaahay ha geeyo.illaahay munaafaqa iyo shaydaan dhakanaya dhamaantiis haka qabto iyo nacab iyo xaasid,danta diinta iyo dadka iyo dalka uu u tafa xaytayna halka uu la rabo oo hormarka ah sifudud illaahay haku gaarsiiyo.mayay noo hooray oo carabda barwaaqeeya illaahay haka dhigo dr bayle xafidu llaaah.isma lahayn dr bayle oo kale ayaaba wali kuu nool war hooy ogaadaaay rabbi lagama quustee ragna(soomaali) lama yasee.
W/Q Yuusuf Omar

mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE