Taliye Sare Oo Ku Geeriyoodey Qaraxii Hotel Naasa Hablood 2 Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxii lagu weeraray Hotel Naasa hablood 2 uu ka dhashey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dad kala duwan.

Dadka geeriyoodey ama dhaawacmey ayaa waxa ku jira shaqaalae dowladeed, siyaasiyiin, Ciidan dowladda ka tirsan iyo dad kaloo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.

Dhinaca kale Taliyahii Saldhigga Boliiska degmada Dayniile ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka goobta ku geeriyoodey, waxaana la sheegey in taliyaha markii qaraxa dhacaayey uu maraayey nawaaxiga goobta qaraxa.

Taliyaha geeriyoodey ayaa waxa lagu magacaabi jireyMaxamed Yuusuf Nuur, waxaana lagu naaneesi jirey Fanax Xagaley, ayaa horey taliye uga soo noqdey saldhiga degmada Yaaqshiid ee isla Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa weli ku howlan sidii ay u kala maareen lahaayeen khasaaraha halkaasi ka dhashay, mana jiraan ilaa hadda cid loo fasaxey in ay gaarto halka baarista ay ka socoto

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE