Warar Horudhac Ah Oo Laga Helaayo Qaraxyo Is Miidaamin Ah Oo Galabta Ka Dhacey Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaayo qaraxyo galabta ka dhacey magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in xaalada culus ay ka jirto halka galabta weerarka lala eegtey.

Laba qarax oo midka koowaad uu ahaa gaari uu wadey naftii halige ayaa waxa lagu weeraray Hotel Naas hablood 2 ee ku yaalla meel ku dhow taalada dal jirka daahsoon magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo jira warar sheegaya in qarax labaad uu ka dhacey meel ku dhow hotel Central oo ku dhegan Hotel Naasa hablood 2, iyadoo halkaas laga soo sheegayo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Dhinaca kale warar aanan la hubin ayaa sheegeya in dabley hubeysan ay gudaha u galeen mid ka mid ah labada hotel, walow ay soo baxayaan warar arinkaasi beeninaya.

Ciidamada amaanka ayaa xirey wadada soo gasha Hotel Naas hablood 2 oo aan wax badan ka fogeyn xarumaha dowladda sida Madaxtooyada iyo dhowr wasaaradooda oo halkaasi ku yaala.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE