Weerar Isugu Jira Mid Ismiidaamin Ah Iyo Mid Toos Ah Oo Lagu Galay Hotel Naasa Hablood 2 Ee Magaalada Muqdisho

Qarax aad u culus ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan magaalada, iyadoo la sheegay in weerarka lagu qaadey mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hotelkan ayaa waxaa degan xildhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada, waana hotel aad loo ilaaliyo.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa loo adeegsaday qaraxan oo wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka hotelada Naasa hablood-2 oo ku dhow tiyaatarkii hore ee Qaranka iyo guriga hooyooyinka.

Qiiq iyo uuro weyn ayaa qabsaday hawada sare ee goobta uu qaraxu ka dhacay kaasoo laga laga arkayo magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxan gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa halkaas u soo kala ordaya, ciidamada dowlada ayaana goobta xiray.

Rasaas culus oo aan la ogeyn cida ay u dhexeyso ayaa ka socota agagaarka hotelka iyadoo wararka qaar ay sheegayaan iney rag hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana goor dhow halkaas laga maqlay qarax labaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE