Deg Deg Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Xilka Ka Qaadey Taliyeyaasha Nabad Sugidda Iyo Boliiska

Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay Xaalada dalka Iyo Weerarkii Shalay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2, Waxaana Xilkii looga Qaaday Masuuliyiin ka tirsan Dawladda.

Wasiirka Warfaafinta Eng. C.raxam Yasiirow ayaa ku dhowaaqay in Xilkii laga Qaaday  Taliyihii Ciidamada Booliska Cabdixakiin Daahir (Saacid) iyo Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Cabdullaahi Sambalooshe.

Xil ka qaadista qaar ka mid ah Taliyeyaasha hey’adaha amniga ee dalka ayaa imaaneysa iyadoo falalka amni ee Caasimadda Muqdisho ay noqdeen kuwa kasii dara.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE