Dhageyso Dowladda Fedaraalka Oo Faafaahin Ka Bixisey Shirka Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Ee Maanta Ka Furmey Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay shir wada tashi ah oo u dhaxeeya dowladda fedaraalka ee Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana shirarkan lagu gorfeyn doonaan arimaha hadda taagan ee xaaladda dalka.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Fedaraalka Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in shirkan uu muhuumad gaar ah uu u leeyahay xaaladda hadda uu ka jiro dalka islamarkaana laga wada tashan doono arimaha ay ka midka yihiin siyaaasadda, aminga, duulaanka Shabaab iyo arimo kale oo madaxda hor yaala.

Shirka oo maanta ka furemy magaalada Muqdisho ayaa laga sugayaa in ay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah oo wax ka bedelada xaaladda dalka uu ku suganyahay, iyadoo xaalad amni oo qatar badan ay soo ifbaxdey.

Muhiimadda ugu weyn ayaa ah in xal loo helo kala aragti duwanaanta xaga siyaasadda ee ka dhex jirta Madaxda Maamulada iyo tan dowladda dhexe, iyadoo Maamul Goboleedyada lagu eedeeyey in ay ka dheereeyeen halkii ay xaqa u lahaayeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE