Dhageyso Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Ka Tacsiyadeeyey Dadkii Lagu Xasuuqey Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

Gudoomiye ku xigeenka dhainaca dhaqaalaha ee Maamulka Gobolka Shabeelada hoose Cabdifataaxi Xaaji Cabdulle oo war kooban siiyey Markacadey.com ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyoodey Hotel Naasa hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cabditaxaaf ayaa marka hore tacsi guud u direy dadkii gu geeriyoodey weerarkii shalay, waxaana ehelada iyo qaraabada uu uga baryey in uu samir iyo iimaan allah ka siiyo.

Waxa si gaar ah uu isu dul taagey geeriga Wasiirka arimaha gudaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiiru dowlaha howlaha guud ee Koonfur galbeed oo xaaskiisa ay ku geeriyootey hotelka xilligii uu socdey weerarka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE