Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Shir Deg Deg Ah Leysugu Yeerey

Shir deg deg ah ayaa la isugu yeeray Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo laga yaabo inuu ka soo baxo go’aano la xiriira amniga, kaddib qaraxii shalay lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2.

Illo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu horu-dhaciisa uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, iyadoo la filayo in uu ku soo biiri doono Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ilalaha Madaxtooyada  ee warka laga soo xigtey ayaa sheegaya in dhici karto in tallaabooyin amni ay ka soo baxaan, maadaama labo todobaad gudahood uu magaalada ka dhacay weeraro.

Waxaa soo baxaya doodo adag oo ka taagan habka sugida amniga Caasimada iyo sida aanay hey’addaha ammaanka wali u qaadin wax mas’uuliyad ah labadii weerar ee u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE