Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sheegey In Leyskala Xisaabtami Doono Qaraxyada Kusoo Noqnoqdey Magaalada Muqdisho

uddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan ahayn wax la aqbali karo laba todobaad gudahood in Muqdisho ka dhacdo Musiibo kale, kadib tii dhacdey Isgoyskii Zoobe.

Guddoomiyaha Banaadir Thabit Cabdi ayaa sheegay in la soo badbaadiyey dadka qaarkiis, kuwii dhaawacmeyna Isbitaal loo qaadey, laakiin waxa uu is weydiiyey cidda qaadeysa masuuliyadda oo lagala xisaabtamayo, waxaana uu yiri:

“Lama aqbali karo in labo isbuuc gudahood musiibo kale nagu dhacdo, waa in si dhab la iskula xisaabtanaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa”

Thabit Cabdi Maxamed ayaa tilmaamey in ay jiraan kuwo aan shaqadooda si sax ah u hayn, wuxuu sheegay in dhibtaan looga bixi karo in qofkasta shaqadiisa sidey tahay u qabto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE