Kooxda Alshabaab Oo Baahisey Magacyada Dad Ay Ku Sheegeen Saraakiil Oo Lagu Dilay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

Waraabaahinta ku hadasha afka Kooxda shabaab ayaa waxa laga baahiyey ku dhawaad toban qof oo ay ku sheegeen in lagu weerarkii hotel Naasa hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Dadka magacyadooda la baahiyey ayey sheegeen in ay ahaayeen dad u shaqeeya dowladda iyo Shakhsi ay ku sheegeen in uu ahaa qunsulkii Itoobiya u joogay magaalada, Waxaana weerarkan ay ku sheegeen in lagu dilay dad gaaraya ilaa 70 ruux.

Hoos Ka Aqriso Liiska Magacyada Ay Sheegeen Shabaab In Ay Ku Qaarijiyeen weerarkii Hotel Naasa hablood

1- Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.

2- Korneel Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay ilaaladiisa.

3- Xasan Buufoow oo ahaa Korneel katirsan Nabadsugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.

4- Gaashaanle Bootaan oo ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.

5- Madoobe Nuunoow oo ahaa Waziirkii arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.

6- Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Waziirka Amniga ee dowladda Federaalka.

7- Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xillbinaadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh kasoo noday Wasiiru dowle.

8- Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu amgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.

9- Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabadsugida qeybta bari oo ah degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis.

Wararkan ay baahiyeen Alshabaab ma jiro cadeymo sax ah oo loo haayo in ay yihiin magacyo iyo kuwa laga been abuurtey, iyadoo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE