Maamulka Koonfur galbeed Oo War Kasoo Saarey Geerida Wasiir Madoobe Nuunow Oo Ka Mid Noqdey Dadkii Ku Geeriyoodey Hotel Naasa Hablood

Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa war iyo tacsiyo kasoo saarey geerida Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Kuunfur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Wasiir Madoobe Nuunow ayaa ka mid noqdey rag mas’uuliyiin ah oo ku geeriyoodey weerarkii maleeshiyada Alshabaab ay ku qaadey hoteel Naasa hablood 2 ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha gudaha koonfur galbeed C.risaaq Cali Aadan ayaa sheegey in mas’uuliyiin dhowr ah ay ku geeriyoodeen weerarka, waxaana uu xaqiijiyey in ragaas uu ka mid ahaa Madoobe Nuunow Maxamed.

Dhinaca kale waxa uu tilmamaay in wax yeelo ay soo gaartey qoyska Wasiiru dowlae maamulka ka tirsan, iyadoo halkaasna ay ku geeriyoodeen tiro ka mid ah ehelkiisa.

Waxa ka tacsiyadeeyey dhamaan dadkii halkaas ku geeriyoodey gaar ahaan dadka ka tirsanaa Maamul Goboleedka Koonfur galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE