Madaxda Dowladda Fedaraalka Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Shir Horudhac Ah Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Magaalada Muqdisho waxa ku sugan Madaxda Maamul Goboleeyada dalka ka jira oo loogu yeerey shir wada tashi oo dowladda fedaraalka ay ku qabaneyso magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxda Muqdisho lagu marti qaadey ayaa waxa ka mid ah Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Madaxweynaha xilkiisu uu muranka ku jira ee Galmudug.

Shir horudhac u ah shirka wada tashiga ayaa magaalada Muqdisho wuxuu ku dhex marey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxa laga qariyey bahda saxaafadda waxaana la sheegey in looga hadlay arimaha shirka iyo qaraxa galaaftey dad badan oosiyaasiyiin ah..

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE