Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Tacsiyadeeyey Dadkii Ku Geeriyoodey Weerarkii Bahalnimada Ahaa Ee Ka Dhacey Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas.

War saxaafadeed goor sii horeysay laga soo saaray Madaxtooyada, saacado kaddib qaraxyadii gil gilay Hotelka Naasahablood 2 ayaa lagu sheegay in weerarkaas aanu marna niyad jebin doonin qorshayaasha iyo howl galada dowladda.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka argagixisada Al-Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE