Markii Hore Messi & Dechamps – Hadana Neymar Junior – Ururka ISIS Oo Sii Balaariyay Ololaha Cabsi Galinta Koobka Aduunka Ee Russia 2018

Ururka ISIS ayaa sii balaariyay ololaha ay ku cabsi galinayaan koobka Aduunka ee lagu balansan yahay Russia xagaaga soo aadan, waxeyna sii huriyeen adeegsiga sawirada la dooriyay ee ay soo galinayaan baraha bulshada.

Ololaha wuxuu ka bilowday iney soo galiyaan sawirada Lionel Messi oo ah sida maxbuus dhiig ilmeynaya iyo sidoo kale sawiro muujinaya shaqsi ay ugu yeereen mujaahid oo taagan meel aan ka fogeen mid ka mid ah garoomada lagu qabanayo koobka Aduunka.

Intaas waxaa xigay iney shalayto soo galiyeen sawirka tababaraha faransiiska Dechamps kaas oo ah sida maxbuus batsoolad madaxa looga hayo, waxeyna aheyd argagax galintii ugu dambeysay ee ay adeegsadeen ururka ISIS.

Si kastaba sawirka ay maanta soo bandhigeen waa mid dad badan argagax galin kara, waxeyna soo sawireen Lionel Messi iyo Neymar Junior oo dhibanayaal u ah, sawirka waxaa ka muuqda in xidiga reer Argentina la qalay, halka Neymar uu yahay qaliin suge oynaya.

Sawirka Messi & Neymar wax qoraal hanjabaad ah lama soo raacsiin inkastoo hanjabaado kulul lasoo raacinayay sawiradii ka horeeyay.

Ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyahiin ISIS hanjabaadahaan waxey tahay iney carqaladeeyaan koobka Aduunka ee ka dhacaya Russia 2018, sidoo kalana ay yareeyaan ugu yaraan faa’idada ay ka heli karaan dadka malaayiinta ah ee usoo daawasho tagi kara.

W/Q Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE