Siyaasiga Soomaaliyeed Ee Dr Baadiyow Oo Ku Baaqey In Laga Heshiiyo Khilaafka Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda

Siyaasiga Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Dr Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi Baadiyow ayaa war uu ku faafiyey bartiisa Facebooka kaga hadlay weerarada joogtada ah ee lagu qaado magaalada Muqdisho.

Dr Baadiyow ayaa marka hore ka tacsiyadeeyey dadkii wax ku noqdey qaraxii Zoobe ee 14-kii bishan, iyo dadkii shalay ilaa xalay ku geerideeyoodey weerarkii Hotel Naasa hablood, waxaana ayaan daro uu ku tilmaamay in weeraro joogta ah lagu bartilmaameedsado goobaha muhiimka ah ee Muqdisho.

Waxa uu ku baaqey in heshiis laga gaaro muranada aan macnaha ku dhisneyn ee ka dhaxeeya maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomalaiya.

Hoos ka aqriso qoraalka Dr Cabdiraxmaan Baadiyow uu soo dhigay bartiisa facebooka

Soomaaliya waa dal dagaal lagula jiro oo dagaal u diyaarsaneyn. Ayada oo weli lagu jiro tiiraanyadii 14kii Oktoobar oo Soomaaliya ku waysay in ka badan 400 ruux iyo dhaawac aan xad lahayn, ayaa 28kii Oktoobar mar kale Shabaabku qarxiyeen faras Magaalada Xamar. Dad badan ayaa dhintay, dad badanna waa ku dhaawacmeen. Ilaahey ha unaxariisto inta dhimatay, inta dhaawacana ha bogsiiyo. Waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa eheladii dadka geeriyooday.

Madaxda dawladda qaranka iyo dawlad goboleedyada ku shirsan Xamar waxaan ugu baaqayaa iney degdeg uga heshiiyaan khilaafka aan macnaha laheyn, si wada jir ahna meel uga soo wada jeestaan badbaadinta dadka iyo dalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE