Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 Oo Lasoo Afjarey Iyo Tiro Ka Mid Ah Maleeshiyaadkii Weerarka Soo Qaadey Oo Nolosha Lagu Qabtey

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay in nolosha lagu qabtay qaar kamid ah maleeshiyaadkii weerarka ku qabsaday Hoteel NaasaHablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa shaacisay in ciidamada ku howlanaa howlgalka ay gacanta ku dhigeen 3 kamid ah maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 .

howlgalka oo saacado qaatay ayaa ciidamada Gaashaan waxay ku guuleysteen in nolosha ay ku qabtaan maleeshiyaad ka dhex dagaallamayey Hoteelka , waxaana la sheegay in weerarka Hoteelka Naasa Hablood 2 ay soo qaadeen Shan ruux, mid is qarxiyey, mid ciidamada ammaanka ay gudaha Hoteelka ku toogteen iyo Seddaxda kale oo nolosha lagu qabtay.

Sheegashada dowladda fedaraalka aya sheegtey in gacanta lagu dhigay tiro ka mid ah dableydii weerarka soo qaadaey, ma jirin cadeymo ay soo bandhigtey dowladda o muujinaya in gacanta lagu haayo dableyda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE