Haqanka Mogdisho Haduu Kaa Hormaro Fly 13 Saar Hee!! W/Q Yuusuf Omar

Waxaan illaahay uga baryayaa dadkii lagu xasuuqay Mogdisho janadii fardawsa in uu geeyo,inta dhawaacantayna bogsiiyo,eheladoodiina kasiiyo samir iyo iimaan. 28.10.2017 waxa ka dhacay mogdisho waa dhacdo xanuun badan iyo hoog iyo halaag ku socda 3000 000 sadexda malyuun ee halkaa ku nool.Maha wax cusub dadkuna lama yaabaan.Run ahaantii dadka aduun yada korkeeda waa midka uugu qaalisan ee illaahay abuuray,waxa uuna leeyahay aadamuhu karaamo illahaay siiyay sida ku cad kitaabkeena qurànka.

Marka la eego dalka soomaaliya aduunyada waxa uu ka yahay mid sumcad beelay oo yasan.Waxaana lagu arkay dhacdooyin ku xun aadaminimada oo ka dhacay hadana ka jira dhulka soomaaliyeed.Waxaana sameeya fool xumadaas ugubka ah dad soomaaliyeed.Hadaan runta la dooxin iyo xaqiiqada dadku ma gaaro xal iyo hormar.Waxaan la huraynin in la qodo oo la daraaseeyo ficilada qabiilooyinka soomaaliyeed mid walba aynu ka hayno 27 kaa sanadood ee dawlad la aanta ilaa maanta. Waxaa lamid ah shaqsiyada siyaasada iyo bulshada ka dhex muuqda ficiladooda ka dhacay iyo dhaqankoda.

Soomaaliya waxay lahayd dawlad dhexe oo xoogleh oo dalka oo dhan ka talisay.caasimad dalkeena waxaa u ahaa Mogdisho oo Codkooda ku mideeyay kuna doortay caasimada Mogdisho iyagoo goortay doonaan dalka magaalooyinkiisa kale ama dhul banaan ka dhigan kara caasimad.Dadka soomaaliyeed ee kakala yimid gobolada dalka oo dhan waxay maal gashadeen oo dhisteen caasimada oo lagu heshiiyay in lawada lee yahay si garbo siman ah oo cid cid magan uugu ahi jirin. 1991 ayaa dawladii dhexe meesha kabaxday,dalkuna galay dagaal sokeeye iyo fawdo.

Dadkii soomaaliyeed ee caasimada wada lahaa ee ay ka dhaxaysay,waxay u kala qaxeen goboladii dalka ee ay ka yimaadeen si khasab ah.kii ku sii naagaday wax yara waa la xasuuqay.Waxaa loo kala  hayaamay 4 deegaan oo kala ah sidan hoos ku xusan.

1.Dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Puntland

2.Dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Koonfur galbeed

3..Dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Somaaliland

4..Dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Jubaland

Waxaa xusid mudan dadkan intii ka bad baaday dhimasho in ilaa maanta laga haysto si xoog ah hantidoodii Mogdisho ay ku lahaayeen.waxaa arimahaan bar bar socda illahaay amirkii goblada GALMUDUG laga soo bilaabo ilaa daafaha MOGDISHO dadkii daganaa ay usoo qaxeen mogdisho iyagoo loogu yeeray hantidii dadkii qaxay oo ay uugu yeereen KU HABSO oo macnaheedu yahay ADAA LEH MULKIYADIISA!! waxaa kaloo jirtay ANAA TAABSADAY laakiin KU HABSO IYO ANAA TAABSADAY laba qolo iyo laba macnay kala leeyihiin iskumana dhawa.

KU HABSO waa qof kasoo orday GALMUDUG ilaa MOGDISHO soo ordaayay oo guryihii laga qaxay ee banaa naa KU HABSADAY dagay oo hantiyay.

ANAA TAABSADAY waa guri aad dadkii lahaa gacantaada ku dishay oo sidaa aad kula wareegtay mulkiyadiisa.hadaba waa laba arimod oo kala duwan kala fog inbadan.

Dadkii qaxay waxay nabad tageen dagaanadoodii,waxayna garaysteen mar hadii dawladii dhexe ee dalku burburtay bal in lagu dadaalo in dadka la caymiyo oo loo dhiso nidaam iyo kala danbayn inta laga helayo dawladii dhexe soo celinteeda.waxaa uugu horeeyay SOMALILAND oo dhisatay nidaam iyo kala danbayn waxaa ku xigay PUNTLAND  Laakiin JUBALAND IYO KOONFUR GALBEED mudo dheer ayay ku qaadatay inay deegaankooda u helaan amaan iyo kala danbayn waxayna eer sadaan in ay saamayn ku yeesheen oo la hareen deegaanada laga soo bilaabo galmudug ilaa mogdisho dadka kunooli ay ugeeysteen iyagoo marna dagaal oogayaal adeegsanaayay marna diin uugu soo gabaday oo afka u soo duubtay.

Dalkeena oo dhami way saamaysay oo soowada mareen dagaal oogayaal daka qabiil iyo kooxaysi ukala jabiyay.way soo mareen beelaha oo isdilay dhexdooda,way soomareen kuwan afka duuban oo dagaal ku qaaday iyo diin baan wadanaa intaba taa soomaali oo dhami dhibkaa way wada aragtay oo kuwada dhacay.Hayeeshee dadku dhaqan iyo diin buu leeyahay waa layska qabtay nidaam la aantii iyo kuwii diinta ku gabanaayay oo lala dagaalamay.Soomaaliland iyo Puntland waa iska qabteen shacabka ayaana aqbalayn in qof layska dilo iyagana xoogaa lacag ah lasiiyo.intaan booliiskii iyo maamulkiiba la gaarin qofka sharka wada dadwaynahaa qabanaya waayo waa dhaqan iyo damiir ay leeyihiin dadku.waana dad fakaraya sida aduunyadu ufikirto dadka ku nooli.

Jubaland iyo koonfur galbeed iyaguna waa ku soo xigaan oo waligoodba waa la daalaan fowdada iyo xasuuqa loo gaysanayo shacab aan waxba galab san wayna iska qabteen hadana maamulayba leeyihiin difaacaya.waxaana caawinaya shacabkaan rabin in dadka lalaayo iyagana lasiiyo xoogaa lacag ah dadku diin bay leeyihiin iyo dhaqan celiya wax walba maha lacag.somaliland iyo puntland iyo jubaland iyo koonfur galbeed shacabku qofkay ka shakiyaan iyagaa qabanaya markiiba kadibna u dhiibaya hay adaha amaanka iyo booliiska aduunka oo dhana waa saas dadka fakarayaa.waa in uu jiraa damiir iyo caqli celiya qofka.

Tusaale hadii qof ku yiraahdo malaayiin doolar ayaan ku siinayaa laakiin suuqa laga wada adeeganaayo ee dadku buuxo ayaan halaagayaa ee igu gacan sii hana i sheegin maxaad u aqbalaysaa? diintii  away? damiirkii away? caqligii away? saw ma dhici karto hooyadaa oo adeeg u aaday suuqaa,abtigaa,inaadeerkaa,walaalkaa iyo walaashaa ilmaadeeradaa in qaarkood joogaan halkaas? maxaad u xasuuqaysaa?macnuhu saw ma aha maxaa igagalay wixii dhimanaya anigu beeso unbaa rabaa!! saw inan gumeednimo iyo dhaqan xumo tii u danbaysay maha yaa guursan gabadhaada?

MOGDISHO sadex malyuun ayaa ku nool sida lasheego weeye,waxaa hadana baada oo cayrsata koox yaroo afka duuban oo aan  150 gaaraynin saw qiso yaableh maha!! waxay rabaan bay gawracaan oo lacag ka qaadaan.kuwaan ka horna waxaa sidaa ugali jiray dadkan dhawr boqol oo dagaal oogayaal ah.waxaad arki jirteen xafadaa muuse suudi ayaa haystoo dadku xasuuqay,xaafadaa cismaan caato ayaa haystoo dadku xasuuqay,xaafadaa qanyaraa u sareeya,xaafadaa…… wax yac iska dhihina majiro dadkaa sadexda malyuun ah.

suaashu waxaa weeye dadka MOGDISHO dagani ma hub baysan haysan? maya way haystaan. ma wiilal dagaalama ayay san haysan? maya way haystaan. waa maxay hadaba maxay wax yac isaga oranaynin waligoodba? waxbadan baan ogahay mana rabo in aan hada sheego waxaas.laakiin waxani waa dhaqan xumo xagooda ah iyo garasho maskaxda ah.Waa xaasidnimo lafaha ah.waxaan ognahay dadka marwalba wax qarxinayaa inay yihiin dadka MOGADISHO ku dhex nool. guyahoodaa lagu dhex farsameeyaa waana ogyihiin laakiin ma sheegayo waxayna u yaqaaniin FLY 13 oo ah  xaabaalaha nambar13 ee ku yaal duleedka MOGDISHO.

Waxaa kajira magaalada tusaale qof baa ka imanaya dibada muqaayad buu furanayaa ama goob ganaacsi,meeshii ayaa si fiican uugu soconaysa waxay dadka reer mogadisho ka xumaanayaan qofkaas hormarkiisa kadibna waxay leeyihiin waxaan kan u diraynaa FLY 13 oo macnuhu yahay waa qarxinaynaa goobtiisa oo dhan.waa xaasidnimo iyo axmaqnimo.waxaa baarar la qarxinayo in tooda badan waa dadka dhexdiisa oo nolasha iyo hormarka isu quuri waayay.qof labis fiican wata lama jecla,qof gaari fiican wata ama hanti leh lama arki karo.kii aqoon leh waxay leeyihiin sidee ku helay aniguba ma haystee fly 13 ha lasaaro!!!

Dadkani ma doonayaan qof hormarsan maxaad u malayn dawladnimo???? 3 malyan ee muqdisho way is xasdayaan dhexdooda dadkale warkiiba daa.waxaan ku farax sanahay in soomaalidu is baratay sifiican. shalay dad ayaa lagu khaldamay oo layiri waa midgaan dad ayaa la gu khaldamay oo la yiri waa tumaal dad ayaa lagu khaldamay oo la yiri waa jareer laakiin intaasba waa soomaali nasab ah oo dadkooda iyo dalkooda jecel soomaaliyeed waxaana inoo cad cida ah midgaanka dhabta ah!! cida sababta u ah in soomaaliya heli waydo nabad iyo nolol iyo dawlad nimo. soomaaliya oo laga wareejiyo caasimada mar hore goor hore sanado hore ayaa soomaaliya ahaan lahayd dawlad shaqaysa oo sharafleh iyo dhaqaale. soomaaliland in ay caasimada dib danbe u aaminin ee ay dhahaan halasoo wareejiyo sidalku u midoobo waa gar biyo kama dhib caan ah hadii kale ha la siiyo goni isu taagooda labadaa mid weeye.

Mogdisho gacmahooday ku xasuuqayaan walaalahood iyo waalidkood ilaahna uma gargaaro qoom daalimiin ah.waxaase furan toobada oo hadaad illaahay u toobad keentaan,dhexdiina isu naxariisataan,cadawga idinku dhexjira eed hoosta ku haystaan iska soo saartaan oo iska qabataan,dadkiina soomaaliyeed iyo dalkiina soomaaliya ceebta u diidaan oo khayrkiisa ka shaqaysaan,hadaad diinta barataan ku dhaqan taan waad liibanaysaan oo illaahay baa idiin gargaaraya. waad ku ceebaysan tihiin soomaalida dhexdeeda iyo aduunkaba sidan waa taariikh madaw.ka soo baxa beeraha iyo gobolka shabeelada hoose ee ay daan u dhalan balse aad boob iyo gumaad ku haysaan inta goori goortahay. iska daaya fly 13 dhiiga islaamku waa xaaran in la daadiyaa si xaqdaro ah.dhaqanka mogdisho cawaanta aan diinba haysan ee qaawan ayuu kasii liitaa xaqiiq ahaan dib isugu noqda.

W/Q Yuusuf Omar

mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE