Ra;iisalwasaarihii Horec Ee Soomaaliya Oo Alshabaab Ku Sheegey Kuwo Aaana Deyneyn Cid Kasta Oo Soomaali Ah

Raysal wasaarahii Hore ee Soomaaliya Cali maxamed Geedi ayaa ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho, Wuxuuna Talooyin usoo jeediyey Madaxda Dawladda, maamulada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Geedi ayaa ku baaqay in si wada jir ah la isaga Celiyo Cadowga Ummada Soomaaliyeed, Wuxuuna sheegay inaysan Jirin Cid ay Nolosha ku dhaafi doonaan.

Maamulada ayuu ugu Baaqay inay ka shaqeeyaan Wixii loo doortay oo ay ugu Horayso Qaranimada Dalka, Ilaalinta Dastuurka iyo Madaxbanaanida.

Wuxuu madaxda Dawladda dhexe ee Soomaaliya usoo jeediyey in looga baahan yahay inay Tallooyin siiyaan Hogaamiyeyaasha maamulada, maadaama ay tahay Dawladda dhexe Hooyadii Dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE