Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka Iyo Maamul Goboleedyada Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho Oo Leysku Haayo Qodobo Adag (Akhriso)

Waxaa maalintii labaad galay shirka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ee Jamhuuriyadda iyo Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowald goboleedyada ayaa soo bandhigey qodobada muhimka ah in wax laga qabto si loogu saaro guddi isku dhaf ah oo ka soo jeediya sidii Dowladda Federaalka iyo maamuladu uga wada shaqeynalaahaayeen.

Qodobada ugu culus waxaa ka mid ah:

  • Siyaasadda
  • Hannaanka Federaalka
  • Dib u eegista Dastuurka
  • Doorashooyinka 20202
  • Amniga

Qodobadan ayaa waxaa mid kasta hoos imaanaya   qodobo kale oo badan.

Qodobadan ayaa ah kuwo culus, waxaana lagu wadaa in guddi ay iska dhex qabtaan soo diyaariya heshiis labada dhinac wada saxiixaan, si looga gudbo khilaafka taagan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE