Dagaal Culus Oo Ka Dhacey Duleedka Degmada Nambar 50 Iyo Saldhigyo Ay Ku Sugnaayeen Alshababa Oo Saanad Laga Furtey

Duleedka Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose waxa ka dhacey dagaal culus oo ay qaadeen Ciidamada amaanka Maamulka Degmada Nambar 50.

Sida aan ku heleyno wararka dagaalkan ayaa yimid ka gadaal markii Ciidamada Amaanka aya qaadeen howlgal qorsheysan oo ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan xarumo Maleeshiyada Shabaab ay ka sameysateen meel aan wax badan u jirin degmada.

Ciidamada Amaanka oo si qaabeysan u agaasimay weerarka maanta ayaa ka dhacey laba saldhig oo dhawaan ay soo degeen Shabaab, kuwaas oo si dhow loola socdey dhaqdhaqaaqooda.

Warar si horudhac aan helnay ayaa ku waramaya in Alshabaab lagala wareegay labada saldhig, waxaana halkaas ay uga tageen Saanad Ciidan iyo dhar u badan kuwa Tuutaha ah oo xilliyada qaar ay ku fuliyaan weerarada gaadmada ah.

Saraakiisha howlgalkan hor kaceysey ayaa sheegay in ay si guul leh howlgalkooda uu ksuoo dhamaadey hadana ay ku sugamnyihiin xarumaha ay qasadeen, waxaana intaas ay raaciyeen in ay haayaan agab Milateri oo ay qasadeen ayna soo bandhigi doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE