Dagaal Rogaal Celis Ah Oo Alshabaab Kusoo Qaadey Xaafado Ka Tirsan Nambar 50 Iyo Dagaal AMISOM Ay Ka Qeyb Qaadatey Oo Leysku Gabal Dhacsadey

Wararka aan ka heleyno degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus lagu qaadey qeybo ka mid ah Deg Nambar 50.

Dagaalkan ayaa daba joogey,weerar Alshabaab looga qabsadey xarumo ay ku lahaayeen duleedka Degmada, waxaana markii dambe ay soo qaadeen dagaal ay ka fureen jiho cusub oo aan aheyn tii ay ku socdeen Ciidamada amaanka ee weerarka qaadey.

Sida ilo wareedyo kala duwan ay noo sheegeen Alshabaab ayaaweerarkan Kasoo qaadey dhinaca Saliini iyo Ceeel-biyaal, halkaas oo gelinkii dambe ay ka dhacdey rasaas culus oo dhinacayada is dhaafsadeen.

Dagaalka oo kululaadey ayaa markii dambe waxa kusoo biirey Ciidamada Midowga Afrika  ee AMISOM oo dagaalka kaga qeyb qaateey hubka culus iyo kuwa lidka diyaaradaha.

Waxa jira sida goob joogayaal aan kasoo xiganay kooxo shabaab ah oo meel isku aruursadey in ay ku dhaceen madaafiic dhowr ah oo uu kasoo gaarey khasaare kala duwan.

Halka ugu badan ee Shabaabka lagu duqeeyey ayaa ah dhufeys ama difaac adag oo ka sameysteen dhinaca Shirkadda Hormuud, halkaas oo lagu asqeeyey rasaasta Lidka diyaaradaha ee ay adeegsadaan Ciidamada Midowga Afriga.

Xaaladda ayaa xoogaa yara degtey wixii ka dambeeyey salaadda Maqrib ee caawa iyadoo guud ahaan degmada laga saarey maleeshiyada argagaxisada ah ee Shabaab.

Xog aan heleyno ayaa sheegeysa in khasaare kala duwan loo geystey maleeshiyada Shabaab ee weerarka soo qaadey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE