Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre Oo Si Khiira Leh Uga Hadlay Sida Ay Uga Go’an Tahay In Alshabaab Laga Xoreeyo Dalka(Video)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda dhexe iyo Maamulada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay inay la shaqeyso Xubnaha kale ee Wasiirada ka tirsan dowlad Goboleedyada, si loo dhameystiro howlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Al-Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE