Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Baarlamaanka Carabta oo maanta ka furmay Dalka Suudaan (Sawiro)

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysiyiin baarlamaannada dalalka Carabta ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalka Sudan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Sudan waxaa furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiyaha baaarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan iyo dhamaan gudoonka iyo xildhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS u matalaya Baarlamaanka Carabta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE