Dagaal-ooge Xasan Jaamici Oo Ku Calaan-caley Xerada AMISOM Ee Ceel-jaale, Iyo Odayaal Miiska U Saarey Gabood Fallada Weli Aan Raadkooba Bi’in Ee Uu Geystey (Warbixin)

Deegaanka Ceel-jaale sahalay waxa yimid dagaal ooge Xasan Jaamici oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sababta u ahaa dagaalada barakaca ah iyo horumar la’aanta ka jira Gobolka Shabeelada hoose.

Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici ayaa waxa ka Ergeeyey Taliska Ciidamada AMISOM ee xarunta Ceeljaale, waxaana ay ajiibeen fariimo dhowr ah oo uu usoo dirsadey si ay u kulansiiyaan Odayaasha dhaqanka ee deegaanka.

Shirka oo saacado qataey ayaa Dagaal-ooge Xasan waxa ka sheegey in kalsooni ahaan iyo is aaminiaadba ay kala dhamaatey rag uu ku sheegey in ay ka wada shaqeyn jireen barakcinta Beesha Biimaal iyo duulaanka dhul qabsiga ee Shabeelada hoose.

Ma sheegin sababaha ay isku maan dhaafeen hadana waxa laga xusi karaa in ninkan uu ahaa Calooshiisa u shaqeyste fulinaayey amaro uu ku qaadan jirey dhaqaal badan, oo markii uu guul dareystey oo uu qaban waayey dhulka loo xil saarey dhaqaalaha laga jartey.

Xerada AMSIOM ayaa dadka tagey waxa ka mid ahaa qoysas uu ka barakiciyey Shalambood, Gandaawi, iyo deegaano kale oo ay xoog ku haaystaan Maleeshiyada Beeshiisa oo dhabarka dambe heshiis kula ah maleeshiyada Alshabaab.

Waxa kaloo xerada la geeyey qoys Ehello ay ahaayeen Ayeeyo iyo Caruurteeda oo uu ku gubey deegaanka Dudumo oo koonfur bari kaga began deegaanka Shalambood oo weli ay ku xooganyihiin Mooryaanta uu kaabaha u yahay.

Waxa meesha uu la yimid in uu doonayo in uu soo laabto wax uu ku sheegey xiriir iyo isdhax gal bulsho si uu u gaaro himiladiisa, maadaama uu ka laad-laado meel cidla ah oo aanay usuura galenin in uu sii joogo.

Iyada oo goobta ay joogaan dadkii uu soo barakaciyey islamarkaana guryaha uu ka gubey ayaa lagu xujeeyey in isaga laga helo kalsooni ama uu ka baxo deegaanada uu xoogga ku qabsadey si ay ugu laabtaan Shacabka.

Warbixin aan helnay ayaa sheegeysa in Dagaal ooge Xasan Jaamixci uu iska fogeeyey Maleeshiyada ku go’doonsan qeybo ka mid ah magaalada Marka, waxaana uu sheegey in isaga aanay ka amar qaadan oo ay yihiin kuwo iska soo horjeeda.

Hadalkana ayaa u muuqda mid kala qeybin ku talagalay ah, iyadoo la ogyahay in Xasan Jaamici u ahaa shakhsigii gurmadka siin jirey Maleeshiyadan markii uu culeys ka fuulo dhinaca magaalada Marka.

Dhaqanka noocaan ah ayaa waxa inta badan ku sifoowba kuwa ay ka muuqato tabar darida iyagoo ag in anaay waxba keeneyn barakac beel oo la ogyahay in beel dhan aan la sal guurin karin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE