Dhageyso Halkey Ku Dambeysey Dacwaddii Badda Soomaaliya Ee Muranka Uu Ka Taagnaa

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta, wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay inuu dhammaaday wejigii Koowaad ee dacwadda, kaasi oo ahaa is hortaaggii dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda, balse laga diidey codsigaasi, maxkamaduna ay qirtay iney awood u leedahay iney dhageysato dacwaddan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE