Dibad Baxyo Dhiig Ku Taatey Oo Ka Dhacey Magaalada Boosaaso Iyo Shacabka Oo Burburiyey Hanti Fara Badan (Sawiro)

Mudaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo sicir-bararka iyo xirnaanshaha Dekeda Bosaso oo maanta ka dhacay magaaladda ayaa waxaa ka dhashay khasaare Nafeed iyo hanti ballaaran oo la burburiyay.

Siday ay warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka Bosaso, Hal qof ayaa geeriyooday , waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee mudaharaadayay. Wararku waxay intaas ku darayaan inuu jiro baabuur iyo hanti kale oo ay burburiyeen shacab caraysan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sidoo kale u xaqiijiyay warbaahinta in qofka geeriyooday iyo labada qof ee dhaawacu soo gaaray ay ku dhacday rasaas ay soo rideen ciidamada booliiska ee joogay taliska booliiska gobolka bari oo ku yaal bartamaha magaaladda. Mudharaadayaasha ayaa marayay wadada hor-marta taliska Booliiska.

Dadka mudaahraadayada oo u badan ganacsatadii jeeblayaasha ahaa iyo shacabka caaadiga, ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee magaaladda, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid tahay  waa si deg deg ah loo furaa dekeda Bosaso,  dooni meeyno Shirkadda DP World iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada ka taagan xirnaanshaha dekeda. Dadkan ayaa iskood isu abaabuley, mana jirto cid isugu baaqday in ay dariiqyada isugu soo baxaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE