Hogaamiyaha Mucaaradka Ah Ee Dalka Kenya Oo Ka Hor Yimid Natiijada Codeynta Doorashad

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa gaashaanka ku dhuftay naatiijada doorashadii toddobaadkii hore ka dhacday dalkaasi waxaana uu ku baaqay inaan la oggolaan inay sharci ahaato.

Guddiga doorashada Kenya ayaa shaaciyey in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu doorashada ku guuleystay.

Odinga ayaa sheegay inay iska cabin nabadeed kala hortagi doonaan natiijada waxaana uu sheegay inaysan sharci ahayn, islamarkaana aysan nabadi jiri doonin ilaa isbeddello lagu sameeyo sharciyada doorashada

Raila Odinga oo aysan garabkiisa ka muuqan hoggoomiyayaashii kale ee mucaaradkiisa NASA xilligii uu hadalka jeedinayay, ayaa ku dhawaaqay go’aamo calculus oo aan la ogeyn in ay la qabaan xubnaha kale ee Xisbiga kula jira.

Wuxuu xisbiga Jubilee iyo guddiga doorashada ee IEBC ku eedeeyay in ay diideen go’aankii maxkamadda, fikradaha caalamka iyo hadalka xubin sare oo ka mid ahayd guddiga Roselyn Akombe oo shaqada ka carartay.

Tan iyo markii tartanka doorashada Kenya uu kusoo biirey Odinga ayaa waxa natiijiada doorashada hareeyey muranno fara badan oo ka imaanaya dhinaca Xisbiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE