Seddax Qodob Oo Saldhig U Ah Amaan Darida Muqdisho Oo Lasoo Bandhigey

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa sanadihii dambe ka dhacaayey weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah oo ay qaadayeen Maleeshiyada Alshabaab.

Weeraradan ayaa dib u dhac ku keenay horumarka xagga amni ee magaalada iyadoo ay fashil noqdeen dhamaan isku dayadii hey’adahii amaanka ee ay kaga hor tagi lahaayeen cidda ka dmabeysa falalka amni daro.

Dad siyaasiyiin ah oo qaab xil jecleysi ah u dhaliilsan madaxda talada haaysa ayaa ka shaqeenaya sidii leysaga hor keeni lahaa Dowladda iyo Shacabka, waxaana talaabadaas ay qeyb ka tahay falalka amaan dari ee Muqdisho ka jira.

Rag qubaro ah oo wax badan ka falanqeeyey amaanka Caasimadda ah ayaa soo saarey seddax qodob oo saldhig u ah xal u helidda amaanka.

Qodobka Koowaad ayaa ah

Marka ay Tashtaan Shacabka

Marka tala dhab ah uu qaato Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho degen oo aan qabiil ama koox aheyn, oo laga fogaado sida ay u dhaqmaan qabqablayaal dano ka leh xasilooni darada.

Shacabkaas oo dowladda u sheega in ay tabarteeda ogaadeen ayna sameenayaan isku tashi

Dowladaha Nagu Dhex diriraaya marka ay hal awood kasoo baxdo

Soomaaliya waxa ku loolamaya dowlado sheshiiye oo midba dano gaar ah uu leeyahay, dowladahaas qaarkood ayaa Soomaaliya ka sameystey Ciidamo u gaar ah oo ay ka dhex qorteen Soomaaliya.

Markii dowladaas mid ka mid ah awood roonaato, waxa laga yaabaa in amnaankeeda uu xasilo oo wax badan isbedelaan, hadii ay nolol ku gaaraan Soomaali badan laga yaabo in xasilooni helaan.

In Madaxda Runta U Sheegto Shacabka

Dowladda Waxay Ogtahay oo xogo ka haaysaa inta badan meelaha laga soo abaabulo weerarada iyo cidda ku lugta leh, iyadoo ay jiraan wax dhowrid ayaa dowladdu ka gaabsaneysaa in ay soo bandhigto xogaha.

Marka uu dhaco fal, waxa hubaan in falkaas uu leeyahay meel laga soo abaauley iyo cid ka dmabeysa oo aan aheyn kuwa fuliyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE