Wararkii Ugu Dambeeye Weerar Qarax Ah Oo Ka Dhacey Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari

Qarax nooca dhulka lagu aaso ah ee Miiada ah ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee AMAL PLAZA ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaruxu la dhigey AMAL PLAZA uu si iskiis ah isaga qaraxay, mana jirto cid wax ku noqotay.

Ciidamada Puntland ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaan, waxaana aan la ogeyn ilaa hadda ujeedada qaraxa halkaas loo dhigay.

Waxa laga deyriyey xaaladda amni ee magaalada Boosaaso, iyadoo ay dhacaan dilal qorsheysan iyo weeraro joogta ah oo ay wax ku noqdaan dad Shacab iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Gobolka Bari ay iyiihin kuwo siyaasadeysan, hase ahaatee ay adagtahay in wax laga bedelo ilaa laga helaayo siyaasad sal adag leh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE