Warbaahinta Alshabaab Oo Sii Baahisey Magaca Iyo Beesha Uu Kasoo Jeedo Naftii Haligihii Isku Qarxiyey Weerarkii Lagu Qaadey Hotel Naasa Hablod 2 Ee Magaalada Muqdisho

Waraahinta ku hadasha Afka maleeshiyada Alshabaab ee lagu magacaabo Andalus ayaa waxa laga baahiyey wareysi laga qaadey naftii haligii isku qarxiyey hotel Nasa hablood 2 ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Naftii haligahan ayaa magaciisa ku sheegey Xuseen Rukow Maadeey, hase ahaatee magaciisa xarakiga ama Shabaab ay ugu yeeraan uu ahaa CARAB, kaas oo hogaaminaayey weerarkii dadka badan lagu laayey ee ka dhacey Hotel Naasa Hablood 2.

Wareysiga uu bixiyey ayuu ku sheegey in uu kali ku ahaa qoyska Hooyadiis, oo aanay jirin ciyaal kale oo Hooyadii ay dhashey, isagoo Madi ahaa ayuu indhaha tirey Hooyada Ifka ka ilaashaneysey.

Beesha uu ka dhashey ayuu ku sheegey Gaal jecel, waxaana weerarkii uu hogaaminaayey uu u arkey mid uu allae ugu dhawaanayo, waxaana maankiisa ka maqneyd  in uu dilaayo dad Muslim ah oo aan waxba galabsan oo biri qimaaha la weydiin doono waxa ku kalifey in dad islaam ah uu galaafto.

Alshabaab ayaa sheegey in weerarkii Hotel Naasa hablood ay ku dileen dad gaaraya ilaa 70 qof oo ay ku sheegeen in ay kala ahaayeen siyaasiyiin, Saraakiil, Xildhibaano, Sidoon iyo dad kaloo ay ku sheegeen in ay u shaqeenayeen dowladda faedaraalka ee Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE