Weerar Khorsheysan Oo Xalay Ka Dhacey Deegaanka Gendershe Iyo Xarumo Ay Degenaayeen Alshababa Oo La Burburiyey

Warar soo baxay aroornimadii saake ayaa ku waramaya in xalay habeen barkii weerar khorsheysan lagu qaadey deegaanka Gendershe oo ku yaalla Xeebta u dhaxeysa magaalooyinka Marka iyo Magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku heleyno weerarkan ayaa waxa qaadey Ciidamo la tuhunsanyahay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada amaanka ee maamulka Degmada Nambar 50 oo saacadihii lasoo dhaafey  qaadayey howlgal ka dhan ah Alshabaab.

Weerarka ayaa waxa lagu ekeeyey saldhig xilliyada habeenkii ay ku dhuuntaan horjoogayaasha Shabaab ee horjoogayaasha u ah maleeshiyaadka duur ku jirta ee lagu sheego jabhaadka, iyadoo halka la weerarey uu ka dhashey khasaare xoogan.

Dadka ku dhaqan deegaanka Gendershe ayaa noo xaqiijiyey in weerarkan xalay laga maqley inta badan deegaanka iyo meelaha ku dhow dhow, waxaana ay sheegeen in ay maqlayeen rasaas nooc cusub oo u badan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo garneelada garbaha laga tuuro.

Waxa la sheegayaa in ay jiraan khasaare ka dhashey halka weerarka uu ka dhacey, iyadoo la dul tagey Shabaab badan oo ku caweynaayey barxad ku hor taala saldhiga ay sida dhuumaaleysiga ah ay u degenyihiin.

Iyadoo weli aan la sheegin khasaaraha goobtaas ka dhashey ayaa hadana saake salaadda subax ka dib waxa halkaas lagu arkey gaadiid Caasi ah oo qaadaaya dad xalay wax ku noqdey weerarka lagu qaadey.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaarey Ciidamada weerarka qaadey, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxey taliska xalay weerarkan laga qaadey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE