Dhageyso Mooshinka Laga Keenay Shariif Xasan Oo Meel Xasaasi Ah Maraaya Iyo Xildhibaanadii Ugu Badnaa Oo Saxiixey Xil Ka Qaadista

Illaa iyo 70 mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas, Shariif Xassan Sheekh Aaden.

Xildhibano ayaa sheegay in Mooshinka uu la Xiriiro Xil Gudasho La’aan iyo Ku tumasho Dastuurka, Waxayna ay sheegeen Inuu ku Gaabiyey Wadashaqaynta Xildhibaanada iyo Ku Xad gudub Dastuurka Soomaaliya iyo Midka maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale Jira Xildhibaano kasoo Horjeeda Mooshinka Xilka qaadista Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Waxaana magaalada Baydhaba ka socda Kulamo Siyaasadeed oo iska soo Horjeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE