Maxaa Ku Qasbey Dagaal-ooge Xasan Jaamici Inuu Heshiis Weydiisto Taliska Ciidamada Deegaanka Ee Beesha Biimaal (Xog)

Dagaal-ooge Xasan Jaamici ayaa afartii sano ee lasoo dhaafey ka mid ahaa horjoogayaal u dagaalamaayey Habargidr ee duulaan dhuleed kusoo qaadey Gobolka Shabeelasa hoose.

Sida xog aan helnay sheegeyso Dagaal ooge Xasan Jaamici ayaa dagaalkii ugu horeeyey ee uu la galo Ciidamada Beesha Biimaal kasoo qaadey Xerada Laanta buuro ayna ku qabsadeen Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalkan ayaa waxa qorshihiisa lahaa ama dhaqaale ku bixiyey hogaamiyaha xilligan ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, iyadoo dhaqaalaha Xaaf ay qaateen dagaal oogihii kale ee ku halaagsamey qarax ee Goobaale iyo Qaafow.

Dagaalkan ayaa dhacey bishii November ee sanadkii 2013-kii, xilligaas wixii ka dambeeyey Xasan Jaamici waxa maalinba uu hogaaminaayey dagaal lagu qabsado deegaan Gobolka Shabeelada hoose ku yaala, laguna barakiciyo Shacab aan hubeysney.

Afar sano ka dib dagaal ooge Xasan Jaamici waxa uu bilaabey in uu bedelo qorshihiisa oo dhagar cusub uu lasoo shirtago si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa, lagana jeediyo qoriga ku socda ee dhowr jeer oo horey uu ku dhaawcmey.

Dagaal-ooge Xasan Jaamici

Iyadoo ay jiri karaan dhowr sabab oo Xasan ku qasbi kara in Taliska deegaanka uu weydiisto heshiis ayaa hadana waxa laga xusi karaa laba qodob oo markan aan fursad siineyn inuu sii ahaado dagaal ooge ama uu u dagaalamo Mooryaan dhul ballaaris ah.

Dagaal ooge Xasan Jaamici ayaa dhaqaale badan ka qaadan jirey Gudi Beeraley sheegtey oo boobey Beerihii Shacabka si dhaqaalahaas loogu difaaco dhulka ay haaystaan, waxaana bil walba ay bixin jireen dhaqaale adag oo lagu qaado ama lagu difaaco dhulka Mooryaanta si aanay gacanta ugu gelin dadka deegaanka.

Beeraleyda ayaa sanadihii dambe si toos ah ugu wareejiyey dhaqaalahooda Maleeshiyada Alshabaab oo dagaal la gashey dadka deegaanka si loo bara kiciyo, waxaana dagaalkaas oo uu yeeshey waji ay adagatahay in beerahaas ay ku nabad galaan.

Ujeedada kale ee ugu weyn ayaa ah in uu jiro duulaan qorsheysan oo la doonayo in lagu qabsado dhulka ay maamusho al shabaab, waxaana duulaankaas intiisa badan hogaamin doona Ciidamada deegaanka oo lagu aaminey in ay Geed iyo God ugu galaan Maleeshiyada Shabaab.

Guuto seddaxaad oo uu ka mid yahay dagaal ooge Xasan Jaamici ayaa guud ahaan laga saarey Liiska Ciidamada xooga dalka, iyadoo lagu helay gabood fallo iyo dhibaatooyin bina aadannimo oo ay ka geysatey Gobolka Shabeelada hoose.

Waxaana Dagaal ooge Xasan Jaamici uu doonayaa in uu badbaadiyo Guutada si ay usii haaystaan dhulka Shabeelada hoose, kuwo hor lehna loogu sii daro si hamigooda dhul ballaarsiga usoo noolaado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE